Jawaari: Banaadir lama raacin karo federal kale!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga digay in Gobolka Banaadir lagu daro Maamulka la filaayo in loo dhiso Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Muddooyinkan dambe waxaa Magaalada Muqdisho ka soconayay shirar dhabaha loogu xaaraayo, sidii Gobolka Banaadir loogu biirin lahaa Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxa uu warqad uu amuurtaasi uu kaga digaayo uu u diray Xafiisyada Madaxweynaha Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha iyo midka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Gudoomiyuhu wuxuu warqadda ku xusay saddex arrimood oo uu ku dooday in Gobolka Banaadir ka hor joogsanaya in lagu daro Maamulka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo dhawaan lagu wado in loo dhiso.

Saddexda arrimood ee warqadda ku xusan

In lagama maarmaan ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo oranaya Caasimadda laguma biirin karo Maamul Goboleed.

In dib u eegista Caasimadda loo baahan yahay afti dadweyne, iyadoo aan la helinna aan meelna lagu biirin karin.

In labada gole ee Dowladdu dib u eegis ku sameeyan, go’aanna ka qaataan marka shacabku u codeeyan Caasimadda. Haddii ay keli u taagnayn laheyd iyo haddii Maamul Goboleed la raacin lahaaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com