“Xamar waxaa hoos-tagay Mahaday ilaa Barawe”

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Salaad Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, ayaa kaga digay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka hortagaan qorshaha la doonayo in dhulkooda lagu kala qeybiyo; wuxuuna ditoorku ka digay qiddada ay cadowgu ku doonayaan in Soomaaliya ay ka dhigaan maamulo yaryar oo aan is rabin.

“Soomaaliya waxeey aheyd markii miltarigu xukunka la wareegay 8 Gobol, Xamar waxay xarun u aheyd Mahadaay ilaa Baraawe; Sh/dhexe & Sh/hoose waxeey hoos imaanayeen Gobolka Banaadir, nidaamkii milateriga oo ujeedkjiisu ahaa qeybi oo xukun ayaa inta uu maqas soo qaatay kala jarjaray; maanta waxeey mareysaa in la kala yiraa anigaa iska leh & anigaa iska leh, ujeeddadii MS Barre waxeey aheyd in sidaan la isku qabqabsado tii ayaanna ka dhacday” Ayuu yiri Dr. Salaad, wuxuuna intaa ku daray in ay tahay wax laga yaqyaqsoodo in Shariif Xassan oo ay Itoobiyaanku wataan inuu xudduudo ka sameyso Lafoole & Jaziira oo uu yiraa waa xudduuda kala barta Maamulka Soomaaliya & K/Galbeed.

“Shaqsiga Soomaaliyeed ee maanta jariimada intaas la’eg oo dalkeenii lagu kala qoqobayo goob joog ka waa inuu ka dhiidhiyaa masiibada Federaalku xambaarsan yahay; Shariif Sakiin waa qof la wato isaga madaxtinimadaas un baa u daran, waa nin ganacsade oo doonaya inuu siyaasadii ka macaasho, haddii ay u suurtoobeysa Soomaaliya oo dhan wuxuu ka gadi lahaa Itoobiya” Ayuu yiri Ditoor Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com