Xog: Deni oo qorsheynaya laba tallaabo oo xasaasi ah marka uu ku laabto Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guul dareystay doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya, ayaa qorsheynayo in marka uu dib ugu laabto magaalada Garoowe uu qaado dhowr tallaabo oo uu u arko inuu kaga hilmaami karo caradii uu ka qaaday guuldaradii doorasho ee Muqdisho.

Saciid Deni ayaa qorsheeyay in tallaabada koowaad uu ka qaado madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo xiligii Deni uu ku sugnaa Muqdisho soo saaray wareegto uu xilka kula wareegay, islamarkaana safarka Deni ku tilmaamay mid sharci darro ah, maadaama uu olole siyaasadeed galayna ay aheyd inuu xilka wareejiyo.

Deni ayaa waxaa u qorsheysan in uu kiciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo kulankooda ugu horeeyo uu dhici doono bisha June, hase ahaatee suuragal ay tahay in lasoo hormariyo furitaanka fadhiga baarlamaanka Puntland si loosoo gabagabeeyo waayaha xukun ee Axmed Karaash.

Tallaabada labaad ee uu qaadi doono Deni ayaa noqon doonta inuu tallaabo aan caddeyn uu ka qaadi doono kooxdii reer Puntland ee ku dhabar jabisay doorashadii uu ku guuldareystay ee madaxtinimada Soomaaliya, kooxdaasi oo isla doorashooyinkii golaha deegaanka ee Qardho guuldaradii uu kala kulmay sidaan oo kale dhabar jabiyay una sabab ahaa guuldaradii soo gaartay.

Kooxda dhabar jabisay oo isugu jirta xildhibaano heer federaal iyo siyaasiyiin ayaa wararka ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan inay ka mid yihiin xildhibaano laga soo doortay Puntland oo tiradooda gaarayaan lix kuwaas oo aan codkooda siinin Saciid Deni, waxaana xubnahaasi ka mid, Sacdiya Salaad Samatar oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamanka, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Sareedo Maxamed Cabdi iyo xildhibaan Cali Xoosh.

Saciid Deni oo adkeysigiisa siyaasadeed ku lamaanan caro badan ayaa la filayaa in safarka uu ku joogo Muqdisho soo gaabiyo maadaama mowjado siyaasadeed ay ugu furan yihiin Puntland.