Xog: Deni oo rumeysan inay taako u dhigeen Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ka shakisan Axmed Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomaaliya. 

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo saameyn karta Farmaajo iyo Saciid Deni.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, go’aanka Xidig ayaa lama-filaan ku noqday madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. 

Musharaxnimada Xidig ma ahan mid la dhayalsan karo, wuxuuna awoodaa inuu xilkan kusoo baxo, isaga oo sidoo kale 2016-kii doorashadii dhacday ka helay codad badan oo lama filaan ahaa.

Xilligan waxaa intaas dheer in Koonfur Galbeed aysan dooneyn xilka guddoomiyaha golaha shacabka, sidaas darteedna ay suurta-gal tahay in Lafta-gareen oo gacanta ku haya xildhibaanadiisa uu ku riixo inay u codeeyaan Xidig.

Dhanka kale, Deni ayaa rumeysan in Xidig ayaa gadaal ka riixayaan Midowga Musharaxiinta oo ka careysan ballamadii uu uga baxay Deni, sida laga soo xigtay xubno xog ogaal ah.

“Xiddig waxaa wata Midowga Murrashixiinta oo aaminsan in Deni uga baxay ballantii ahayd inuu midkood dhisi doono si uu isagu u noqdso Ra’iisal Wasaare ama soo xulo qofka noqonaya,” ayuu yiri xog-ogaal siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in murrashaxnimada Xiddig ay shaki ka dhex abuuri doonto Deni iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa horey Deni uga ballan-qaaday in qof ka socda Jubaland aanu xilkaas isku soo tagai doonin, si gaar ahna Xidig oo mar kasta la rumeysnaa inuu damac noocan ah ku jiro.

La-taliyayaasha Saciid Deni ayaa hadda ka fekeraya sidii ay u dejin lahaayeen istaraatijiyad ka hortagaysa inuu Xiddig ku guuleyso kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Deni wuxuu farayaa xildhibannada uu soo saartay inay u codeeyaan qof kale. Taasi waxay yaraynaysaa fursadda uu Xiddig ku noqon karo Guddoomiye baarlamaan,” ayuu yiri ilo-wareed xog ogaal u ah arrintan.

Si kastaba, wax kasta waxay ku xiran tahay waxa uu damacsan yahay Lafta-gareen, waxaana haddii uu si buuxda u taageero Xidig aad suurta-gal u ah inuu guuleysto, maadaama sidoo kale Hawiyaha iyo Dir ayagana ay taageeri doonaan.