Sawirro: Farmaajo oo caawa Villa Somalia ku qaabilay guddoonka KMG ah ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan Madaxtooyada kula qaatay Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka cusub.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ayuu ugu horeyn Farmaajo ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka.”