Sawirro: Guusha Korneyl Xaadoole oo si weyn looga falceliyey

Jowhar (Caasimada Online) – Korneyl Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey ciidankii ugu badnaa ee Badbaado Qaran ee sanad ka hor Farmaajo ka hor istaagay mudo kororsiga ayaa galabta loo doortay Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Si weyn ayaa loo soo dhaweeyey guusha sarkaalkaan oo sanadkii ugu dambeeyey awoodiisa isugu geeyey in dalku uu doorasho aado, wuxuu hoggaaminayey ciidankii ugu badnaa ee Muqdisho dhanka waqooyi ka soo galay markii Farmaajo uu labo sano ku darsaday xukunka 12-kii April 2021.

Dadka guushiisa ka falceliyey waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Kooramkii Badbaado Qaran uu galabta soo buuxsamay kadib markii Jowhar lagu doortay Col. Cusmaan Xaadoole.

Waxaa sanadkaan baarlamaanka ku soo biiray inta badan saraakiishii iyo masuuliyiintii kale ee sida tooska ah uga hor yimid mudo kororsigii Farmaajo, wuxuuna Taliye Xaadoole galabta ku guuleystay mid ka mid ah kuraastii ugu loolanka adkaa HirShabeelle ee HOP106, isagoo wareegii koowaad 56-cod uga guuleystay afar musharax oo kale.

Guushiisa kadib waxaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ugu hambalyeeyay guusha uu galabta gaaray, isagoo kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Korneyl Xaadoole oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle ee Wacbuudhan Abgaal ayaa ahaa sarkaal awood badan ku dhex leh qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ka howlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle, wuxuuna mudo dheer ka soo mid ahaa hoggaanka qeytaas.

Waxa uu ku biirayaa xubno kale oo ka mid ahaa saraakiisha Badbaado Qaran oo baarlamanka soo galay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jeneraal Saadaq John, Korneyl Abuukar Jacfar, Sanetor Muuse Suudi iyo masuuliyiin kale oo u badan xildhibaano horay ugu jiray baarlamaanka.

Doorashada Colonel Xaadoole ayaa ka dhiggan in baarlamanka uu soo galay xubin kale oo aad ugu dhow mucaaradka madaxweyne Farmaajo. Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay inay kordheen saraakiisha ciidan ee ku jira baarlamankan 11-aad oo noqday kii ugu badnaa oo ay soo galaan saraakiil ciidan.

Kadib guusha Xaadoole ayaa waxaa rasaas xooggan oo dabaal deg ah galabta is qabsatay inta badan waqooyiga Muqdisho iyo magaalada ay doorashadu ka dhacday ee Jowhar, ayadoo aad loosoo dhoweynayo guusha Korneyl Xaadoole.