Xog: DF oo qorsheyneysa inay dhisto maamul cusub oo Jubaland ah + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in maamul cusub ka dhisto Jubaland, kadib markii ay ku eedeysay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu u shaqeeyo dowladda Kenya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay dalka ka ceyrisay safiirkii Kenya, una yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayada oo Nairobi ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay madaxweynaha Jubaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

Eedeynta Soomaaliya ayaa timid maalin kadib markii Axmed Madoobe uu sheegay in doorasho aysan ka dhici karin gobolka Gedo, illaa dowladda Soomaaliya ay halkaas ka saarto ciidamadeeda iyo maamullada ay ka dhistay gobolka ee aan hoos-tagin Jubaland.

Caasimada Online ayaa hadda ogaatay in ceyrinta safiirka Kenya iyo eedeynta ah in Axmed Madoobe uu u shaqeeyo Kenya ay ku xigi doonto inay dhisto maamul cusub, ayada oo ku doodi doonta inay ilaalineyso qarannimada iyo madax-banaanida dalka.

“Eedeynta la xiriirta u shaqeynta dal shisheeye waa mid aad u culus, waxayna albaabada u fureysa in dowladda ay qaaddo tallaabooyin ay markii hore ku dhiiran karin,” waxaa sidaas yiri mas’uul ka tirsan dowladda oo codsaday inaan la magacaabin.

Maamulka cusub ayaa kadib qaban doona doorashooyink dalka ee qeybta Jubaland, maadaama aysan dowladda federaalka lasii macaamili karin maamul ay ku eedeysay inuu la shaqeynayo dal shisheeye, sida la qorsheynayo

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dowladda federaalka ay ku amarto ciidamada Kenya inay dalka ka baxaaan.

Dhammaan arrimahan ayaa shaki weyn sii gelinaya in dalka ay doorasho ka dhacdo, waxaana xubno ka tirsan mucaaradka ay rumeysan in dhammaan xasaradahan ay abuureyso dowladda federaalka ay tahay isku day uu madaxweyne Farmaajo kusii dheereysanayo xunkunka.