Muxuu xildhibaan MAHAD SALAAD ka yiri ceyrinta DF Somalia ee safiirka Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aankii ay dowladda Soomaaliya shalay ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo, uguna yeeratay midkeeda Nairobi Maxamuud Tarsan.

“Waxan maqli jiray “Habar dhali waysay aleelo ku waalatay”. Inta aan ognahay Kenya waxba kama halleyn Soomaaliya, marka laga reebo in ay ka diiday Farmaajo in ay u soo afduubaan Madaxweyne Axmed Madoobe una keenaan isagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in safiirka la sheegay in la eryey aanuba dalka joogin, xogtaas oo sidoo kale ay xaqiijisay Caasimada Online.

“Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooga Soomaaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, safiirkeenii Kenya inoo fadhiyeyna Muqdisho ayuu dhex meeraysanayaa!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa tallaaboyinka ku macneeyey isku day madaxweyne Farmaajo uu cadow cusub ugu abuurayo Soomaalida, taasi oo qeyb ka ah ololihiisa doorashada.

“Farmaajow waan ku ognahay 2017 Itoobiya ayaa CADOW ah in aad doorasho ku gashay, marka 2020 Kenya ayaa CADOW ah cod nooga heli meysid ee beenta iyo boor isku qariska maad naga dhaaftid walaalow!,” ayuu yiri Mahad Salaad.