Xog: DF Somalia oo dalka ka ceyrisay safiir aan joogin, uguna yeeratay mid jooga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalka ka eriday safiirkii Kenya, ka dib markii ay xukuumadda Nairobi ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ogaatay in Lucas Tumbo, uusanba ku sugneyn Muqdisho oo labadii maalmood ee ugu dambeysay uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, waxayna tallaabada lagu ku soo aadaysaa, isagoo dalka ka maqan.

Sidoo kale Dowladda federaalka Soomaliya sheegtay inay u yeeratay Safiirkeedii Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in Tarsan uu qudhiisu maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Villa Somalia ayaa Kenya ku eedeysay in ay madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, isla-markaana ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa “ceeb iyo foolxumo” ku tilmaamay in safiir aanba dalka joogin la sheego in la eryey.

“Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooga Soomaaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, safiirkeenii Kenya inoo fadhiyeyna Muqdisho ayuu dhex meeraysanayaa!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhawaan waxa uu Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto uu ku eedeeyay inuu yiri “Waxaan bedeli doonnaa Madaxda Dowladda Federaalka,” ee haatan talada dalka haya, si buu yiri qaadkii Kenya loo geeyo Soomaaliya.