Beesha Caalamka oo war kasoo saartay kulankii ay la qaateen madaxweyne Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay kulankii shalay xubno uu hoggaaminayey ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga ay magaalada Garowe kula yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Qoraalka beesha caalamka ayaa looga hadlay arrimaha doorashada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyagoo fariin u diray labada dhinacba.

Wakiil ku xigeenka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa sheegay in booshadii ay shalay ku tageen Garowe kuwii ka horeeyey ay ku tageen Baydhaba iyo Dhuusamareeb, dhawaana ay tegi doonaan Kismaayo iyo Jowhar, six al buuxa looga gaaro arrimaha doorashada iyo wada shaqeyn yarida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Waxa uu sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Puntland ay uga wadahadleen muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

“Waxaa dhiirigeliyay soo nooleynta wadahadalka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, bilihii la soo dhaafay. Tani waxay ku lug lahayd in Madaxweyne Deni uu kaalin firfircoon ka qaatay shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka billowday magaalada Dhuusamareeb bilihii Luulyo iyo Agoosto, taasoo horseeday shirarkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii Sebtembar iyo Oktoobar, markaas oo la isla gaaray heshiiskii qaabka doorashada,” ayuu yiri Raisedon Zenenga.

Si loo xaqiijiyo in doorashooyinka qaran ay ku sii socdaan qorshihii loogu talagalay, waxa uu sheegay inay lagama maarmaan u tahay in wadahadalladu ay sii socdaa. Isagoo balan qaada in beesha caalamku ay ka shaqeyn doonto iskaashi dhinacyada Soomaaliya midba midka kale uu la yeesho, inta lagu jiro diyaar garowga doorashada.

“Waxaan rumaysanahay in dib-u-billaabidda wada-hadalladaas, oo joogto ah, ay gacan ka geysan karto xallinta arrimaha taagan. Waxaan rajeynaynaa inaan ku nuuxnuuxsano in qaabka doorasho ee lagu heshiiyay aan dib loo furin laakiin waa in loo hirgeliyo si la aqbali karo, lagu kalsoonaan karo oo daahfuran,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “waxaan adkeynaynaa in tan ay ka mid noqon doonto in la xaqiijiyo in matalaadda qoondada haweenka boqolkiiba 30 ee doorashooyinka baarlamaanka iyo guddiyada hirgelinta laga miradhaliyo, iyo in wixii tabasho ah ee la xiriira xubnaha ka mid noqonaya guddiyada soo xulista ergada, guddiyada doorashada, guddiga Somaliland iyo Gedo lagu xalliyo is afgarad, laguna gaaro qaab lagu xaqiijinayo in guddiyadu aysan dhinacna u janjeerin taasina, taasina waxay ogolaanaysaa matalaad cadaalad ah oo kala duwan.”

Waxa uu sheegay inay rajeyneyaan in Puntland iyo dhammaan dowlad goboleedyadu ay dhowaan soo magacaabi doonan min sideeda xubnood ee ku meteli doona guddiyada doorashada, sidoo kalena baarlamaan goboleedyadu ay billaabi doonaan u diyaar garowga doorashadooda ee xubnaha Aqalka Sare.

“Dhanka arrimaha kale ee mudnaanta leh, waxaan sidoo kale Puntland iyo dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ku dhiirrigelinaynaa inay la hadlaan Dowladda Federaalka si ay heshiis uga gaaraan tallaabooyinka xiga ee ku aaddan Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah, iyo barnaamijka 2021 ee maamulka cusub ee la filayo,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka QM Raisedon Zenenga.