Jubaland oo sheegtay sabab ay u magacaabi la’dahay guddiga doorashooyinka?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka 2020/21-ka.

Sayid Aadan ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday dooda ka taagan dhismaha guddiga doorashooyinka dalka, gaar ahaan sababta ay Jubbaland u soo magacaabi la’dahay xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka ee heer dowlad goboleed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shuruud uga dhigay soo gudbinta xubnahaasi in dowladda Soomaaliya ay marka hore fuliso ballan qaadyadii ay la gashay Jubbaland, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo oo ay weli ka howl-galaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay fulinta hehiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka aysan soo magacaabi doonin, illaa inta xal laga gaarayo.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is-mari waa uu ka taagan yahay arrimaha doorashada & guddiyadeeda oo ay horey walaac uga muhiijiyeen musharaxiinta.