Xog: DF oo shatiyo siineysa laba Banki oo horey Itoobiya darteed loogu diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay bixiso shatiyada laba Banki oo mid laga leeyahay waddanka Turkiga midna laga leeyahay dalka Masar.

Arrintaan ayaa dib u dhacday dhowr jeer kadib markii nidaamkii madaxweyne Farmaajo uu ka caga jiiday in ogolaansho ganacsi la siiyo labadaasi Banki, sababo la xiriiray saameyntii ay Itoobiya ku laheyd Soomaaliya.

Bankiga Ziraat ee Turkiga oo kamid ah Bankiyada ugu qadiimsan wadankaas ayaa kamid ah bankiyada la filayo inuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya fasax u siiyo inay gudaha dalka ka howlgalaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisii ayaa dhowr jeer hoos isaga dhigay arrintaan, ayada oo sababta ugu weyn ay aheyd Bankiga Masar, sababo la xiriira xiisadda Qaahira iyo Addis-Ababa.

Sidoo kale ganacsatada bankiyada ee Soomaaliya ayaa dhankooda taageersanaa diidmadaas, iyagoo ka cabsi qabay inuu tartan culus ka dhasho, taasi oo saameyn ku yeelan karta ganacsiyadooda.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku amray guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya in labadaasi Banki la siiyo shatiga.

Labada Banki ee la siin doono ogolaanshaha ay kaga shaqeysan karaan Soomaaliya waxaa ku jira bankiga ganacsiga ee Masar, waxaana xubin muhiim ah oo arrintaan wax kala socday, balse diiday inaan xigano magaciisa uu sheegay in sababihii uu Farmaajo u diidanaa shati siinta bankiyadaan inay la xiriirtay diidmadii siyaasadeed ee u dhaxeysay maamulkiisa iyo dowladda Masar maadaama labada Banki mid laga leeyahay wadanka Masar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad ugu dhawaa dowladda Itoobiya taasoo diidan in dalalka saaxiibka la ah inay dhinaca kale soo dhaweystaan dowladda Masar oo ay xurguf xooggan kala dhaxeyso.

Waxaa jirta kala aragti duwanaan la xiriirta in Bankiyo iyo shirkado caalami ah dalka ka howl billaabaan. Ganacsatada dareynsan inay imaan karaan shirkado ka xoolo iyo farsamo aad uguma riyaaqsana bilaabashadaan, laakiin dhinaca kale waxaa jira shacab aaminsan in loo baahan yahay inay dalka soo galaan shirkado caalami ah oo ay taasi mar abuureyso tartan xiiso leh marna ay fasiraad ka bixineyso inuu dalku soo hagaagayo amni ahaan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaailiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartamaha asbuuca soo socda booqanaya wadanka Turkiga halkaas oo uu kula kulmi doono dhigisia dalkaas Erdogan.

Ka hor booqashadaan rasmiga ah, wuxuu rabaa madaxweyne Xasan Sheekh sida ay illo wareedyada noo sheegeen in bankiga Siraat ogolaansho la siiyo, balse ma cadda haddii ay dhici doonto.

Lama yaqaano sida ay Bankiyada Soomaalida u arki doonaan tallaabadaan.