Xog: Madaxweyne Xasan oo berri u baxaya safar dibadda ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u safraya magaalada Ankara, kadib casuumaad rasmi ah oo dowladda Turkiga uu ka helay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay tagaan Turkiga wuxuu Xasan Sheekh la kulmi doonaa Madaxweyne Erdogan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Sidoo kale inta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay Turkiga, waxaa la sheegay inay u qorsheysan tahay inuu la kulmo hay’adaha samafalka ee ka jira dalka Turkiga, si caawinaad uu uga raadiyo dadka Soomaaliyeed ee abuuruhu ay saameeyeen.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga baxaayo tan iyo markii la doortay 15-kii May, wuxuuna horay safar qaatay shan cisho ugu tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo casuumaad uu ka helay.

Sidoo kale xogta aan heleyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweynuhu safarka Turkiga kadib uu booqa doono wadamo kale oo dhaca Geeska Afrika, sida Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya oo sanadihii dambe xiriirkoodu xumaa, hadda Kenya waxay u hanqal taageysaa inay heshiisyo rasmi ah la gasho dowladda Soomaaliya ee hoggaanka uu u qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh.