Xog: DFS oo hubeyneysa GALMUDUG + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa bilowday inay hubeyso Ciidamada Militeriga Maamulka Galmudug ee uu ka taliyo Madaxweyne C/kariin Xusein Guulleed.

Dowlada ayaa Maamulka Galmudug ku wareejisay Hub iyo dharka Ciidamada, waxaana bixinta agabyadaasi iminka lagu bilaabay qeybintooda Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee ka howlgala degmada Caabudwaaq.

Ciidamada qalabka la gaarsiiyey oo fariisin ku leh deegaanka Mashruuca oo ku yaalla duleedka Caabudwaaq, ayaa sidoo kale loo qeybiyey lacago gunnooyin ah.

Ciidamada ayaa tiradooda waxay gaareysaa 200 askari kuwaasi oo dhameystay tababar kaga socday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka G/ sare Cabdullaahi Aadan Xuseen ayaa sheegay in askartan ay qeyb ka yihiin dadaalka lagu soo nooleynayo ciidamo qaran oo goob kasta ka howlgala, wuxuuna sheegay in ay u diyaarsan yihiin ka qeybgalka sugidda amniga iyo soo celinta kala dambeynta.
1

2

3

4

5

6