Muqdisho (Caasimada Online) -Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xiriiro qarsoodi ah uu ka dhexeeyo Xarumaha Dowlada iyo Shaqsiyaad ka howlgala Cabdal-shideeye.
Wararku waxa ay sheegayaan in Dukumiintiyada qaarkood gaar ahaan kuwa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo arrimaha Dibadda ay yaalan Suuqa, waxaana jiro warar sheegaya in shaqsiyaad ka tirsan Xarumaha Dowlada uu ganacsi kala dhexeeyo Cabdal-shideeye.
Shaqsiyaadkaani ka howlgala Xarumaha Dowlada ayaa Astaamaha Dowlada iyo Tiimbarayaasha si qarsoodi ah ugu gudbiyo wakiilada uga howlgala Suuqa Cabdal-shideeye, kuwaasi oo iyaguna si sahlan dadka ugu fududeeyo Dukumiintiyadaasi.
Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Cabdal-shideeye lagu soo sameeyo Shahaadooyinka intooda badan, islamarkaana Wasaarada Waxbarashadu ay qaab hoose u sharciyeyso, kadibna sidaa ku qaadato dhaqaale qarsoodi ah.
Sidoo kale, Wasiirada qaarkood ayaa Hoteelada iyo goobaha amaanka ah lagu arkayaa iyaga oo Boorsooyinkooda ku sita Tiinbaraha Wasaarada, waxa ayna howshooda ku qabsadaan wadooyinka, taasi oo sabab u ah isla xisaabtan la’aanta ka dhex jirta Xarumaha Dowlada.
Geesta kale, arrinkaani ayaa khatar ku ah jiritaanka Dowlada, marba haddii Wasiiradu ay wadooyinka ku saxiixayaan kuna tiinbareynayaan warqadaha qaababka hoose loo kala qorto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

