25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

XOG: Dhaqaalihii DF oo ay dhacday wasaarada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaano ay sameysay DFS ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dhaqaalaha laga soo kala uruuriyo Ganacsatada dalka ay afka u dhigtaan Shaqsiyaad ka tirsan Wasaarada Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Somalia.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Wasaaradu aysan soo gudbin lacagaha ay kasoo qaado inta badan Ganacsatada, waxaana jiro wareysiyo laga qaaday Ganacsatada oo arrintaasi lagu ogaaday.

Wasaarada ayaa ku doodeyso inaysan jirin Ganacsato ay ka qaado dhaqaale Canshuur ah, halka Ganacsataduna ay sheegen in bil waliba ay bixiyaan lacagaha lagu xakumay ee ah Canshuurta.

Lacagaha laga qaado Ganacsatada iyo Hay’adaha qaar ayaan ku dhicin Bangiga Dhexe ee dalka, waxa ayna arrintaasi qeyb ka tahay Musuq-maasuqyada lagu eedeeyo DFS.

Saraakiisha Bangiga ayaa sheegay in muddo aysan arag dhaqaale kaga imaaday dhanka Wasaarada Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia, taasi oo shaki ka dhex abuurtay Mas’uuliyiinta Wasaarada iyo Saraakiisha kale ee ka howlgasha Wasaarada.

Xildhibaan Daahir Cabdi Maxamed ayaa kamid ah Mas’uuliyiinta dooda ka keentay isdaba-marinta Wasaarada Ganacsiga dalka, waxa uuna sheegay inuu aaminsan yahay in dhaqaalaha Canshuurta ay Wasaaradu ka qaado shacabka Soomaaliyeed aysan ku dhicin Bankiga Dhexe ee dalka.

Waxuu Xildhibaan Daahir Cabdi Maxamed carabka ku adkeeyay in lacagaha Canshuraadka ay ku dhacaan Xafiiska Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia sidaana ay ku isticmaalan lacagahaasi, halkii laga doonaayay in lagu shubo Bangiga.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu qeexay in guddiga dhaqaalaha BFS aysan waxba kala socon Canshuurta ay Dowladda qaado iyo cidda lagu wareejiyo intaba.

Dhanka kale, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda ayaa lagu wadaa inuu hortago BFS si wax looga weydiiyo halka uu lacagahaasi ka baxshay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News