Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin dhawaan ay Xildhibaanada Baarlamaanka ka gudbiyeen Madaxweyne Xassan Sheekh.
Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa wali ku adkeysanaaya inay ka go’an tahay in Mooshinkaasi ay sidiisa u hirgaliyaan waxa ayna ku doodayaan in wixii keenay diyaarinta Mooshinka uu wali yahay mid taagan oo aan waxba laga bedelin.
Mid kamid ah Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu xooga saarayo sidii uu u fashilin lahaa Mooshinka balse ay Xildhibaanadu yihiin kuwo aan rajadooda nusqaamin.
Mooshin wadaha ayaa sheegay in Jawaari uu kulamo qarsoodi ah la qaatay Xildhibaanada saxiixay Mooshinka, balse ay diiden qorshihii uu kala hadlay oo ahaa inay ka tanaasulaan Mooshinka, bacdamaa xiligaani uusan dalka xamili karin Mooshin.
Tirada Mooshin wadayaasha ayuu sheegay inay sii kordheen balse Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si cad u diiday in tirada cusub uu ku biiriyo kuwa warqada saxiixay.
Tallaabooyinka Gudoomiye Jawaari ayaa u muuqaneysa mid lagu difaacaayo Madaxweyne Xassan Sheekh oo iminka dalka ka maqan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]