Xog dheeri oo laga bixiyey heshiiska Soomaaliya iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa magaalada Beijing kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor shirka iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee magaalada madaxda dalkaas ka bilaabi doona saddexda bishan September. Waxayna labada dowladood ay isku fahmeen qodobo dhowr ah.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo heshiisyadaa midkood u saxeexay dhinaca Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabihii ay dowladda shiinaha ay ku heshiyeen ay kamid tahay xoojinta ganacsiga ,horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Isfahamka waxaa sidoo kale ka qayb ah in Shiinaha uu dowladda Soomaaliya ka caawin doono arrimmaha ammaanka.

Maxamada Cabdi Mareeye ayaa sidoo kale sheegay inay ka wada hadleen qorshaha uu Shiinuhu Afrika kaga dhisaya waddo wayn taaso uu isku xiri doonto dalalka sii loo xoojiyo dhaqaalaha.

” Waddadan waxaa la dhahaa hinddisaha isku xirka dhaqaalaha ee Afrika iyo Shiinaha , marka Iridda uu kasoo galayo geeska Afrika waa Soomaaliya,aad iyo aad ayaan uga wadahadalnay” ayuu yiri wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay Shiinaha sidii ganacsatada Soomaaliyeed suuqyada Shiinaha loogu ogolaan lahaa islamarkaasna magaalada Muqdishu ay ka hergeliyaan xarun fiisaha Shiinaha ay ganacsatada ka qaataaan.

Waxaa sidoo kale ka wadahadleen in shirkadaha maalgashatada shiinaha ay maalgashi ka samayn karaan gudaha soomaaliya.

“Madaxweynaha wuxuu kala hadlay fiisaha oo hadda ganacsatada Somaaliyeed ay Shiinaha u doontaan in magaalada Muqdishu lagu bixiyo, way naga ogolaadeen iyo sidoo kale shirkadaha Shiinaha ee maalgashada adduunka ay Soomaaliya maalgashi ka sameeyaan, way naga ogolaadeen”

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ka qayb galaya shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika kaaso maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Beijing.

Isha: BBC Somali