Sawirro: Ciidanka booliska DF oo soo bandhigay laba nin oo carruur afduubtay

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen laba nin oo afduubtay ilmo yar oo Afar jir ah, sida uu Saxaafadda u sheegay Maanta oo Sabti ah afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble.

Afhayeenka ayaa Magacyadda Ragga lagu ee deeyay afduubka  ku sheegay Xasan Yaasiin Cabdi Iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,waxaa uuna Intaas ku daray in labaduba lagu xiray Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Labadaasi Nin ayaa Carruurta waxa ay ka soo afduubteen xaafada ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,balse Ciidaamdu ay durba gacanta ku soo dhigeen.

Dhacdadaan afduubka Carruurta ayaa ka mid ah dhacdooyinka Cusub ee ka dhaca Magaalda Muqdisho,welina lama oga waxa raggaas ku qasbay Afduubashada Carruurta.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay boolisku soo qabteen nin fal dhac ka geysanayay xaafado ka mid  ah magaalada Muqdisho.

Ninkan oo dhalinyaro ah ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Sadiiq Cabdi Cali waxaana la  soo bandhigey bastoolad uu moobaylo ugaga dhicayay dadka rayidka ah ee  ku nool degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Sawirada ilaa hada ay soo bandhigeen ciidamadda booliska ayaa ahaa kuwa dhaca gaysanayay.

a

Caasaimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasiamada@live.com