Beyle oo sheegay in 2 arrin laga dhexlay la dagaalanka musuq maasuqa ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa weli ku howlan qorshaha lagula dagaalamayo musuq-maasuqa ka jira Xafiisyada qaar. Dowlada Somalia ayaa tilmaantay in banaan cidla ah ay soo dhigi doonto cid waliba oo ku taameysa inay dhac hantiyadeed u geysato hantida shacabka.

Dadaalada ay dowlada Somalia ku ciribtireysa musuq-maasuqa ayaa durba isbedel ku keenay dhaqaalaha dalka, maadaama ay meesha ka baxday gacan bidixeyntii lagu hayay hantida Qaranka.

C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dadaalka lagula dagaalamayo musuqa uu sabab u noqday isbedel heer sare ah oo ku imaaday dhaqaalaha dowlada.

Waxa uu Beyle sheegay in dhaqaalihii ku dhici jiray akoonada shaqsiyaad gaara ay iminka usoo wareegayaan qasnada dowlada, waxa uuna taasi ku sheegay isbedel bilow ah oo ka dhashay la dagaalanka musuqa.

Wuxuu tilmaamay in musuq-maasuqa laga dhexlay 2 arrin oo kala ah:

1-Koror ku imaaday dhaqaalaha dowlada Somalia, kadib lacagihii la musuqi jiray ay usoo wareegen Qasnada dowlada.

2-Taxadar ka jira dhamaan xarumaha dowlada, gaar ahaan goobaha ilaha dhaqaale, maadaama ay xiray shaqsiyaadkii la tuhunsanaa, sidoo kalane uu socdo baaritaano dheeri ah.

Wasiir Beyle, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in mar waliba loo hogaansamo nidaamka dowladnimo, iyadoo laga fogaanayo musuqa lgu hayo hantida Qaranka.

Sidoo kale, madaxda ugu sareysa ee ku dhawaaqay barnaamijka la dagaalanka musuqa ayuu ku amaanay iny ka miro dhalinayaan hadafkooda.

Haddalkan ayaa imaanaya xili mas’uuliyiin iyo saraakiil badan ay u xiran yihiin musuq-maasuq iyo qaadashada laaluush.

Caasaimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasiamada@live.com