Jeneral Cabdalla Cabadalla oo laga saaray xubinimadii hay’adda sirdoonka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa war ay ku daabaceen Barta Twitter-ka waxay kaga hadleen wareysi dhawaan uu bixiyay agaasime ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla, oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay.

Waxaa lagu eedeeyey in Wareysi uu bixiyey uu ku eedeeyey Madaxda NISA,isla markaana uu sheegay Warar ka hor imaanaya hanaanka Shaqo iyo Danaha Qaran,isla markaana guddi baaritaano oo loo sameeyey kadib la isla gartay in uusan kasii mid ahaan NISA.

Cabdalla Cabdalla ayaa la qoonsaday wareysi uu dhawaan siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo uu kaga hadlay arrimo badan oo markii hore afka laga duwan jiray ama aanan laga hadli jirin.