FIQI oo weerar xooggan ku qaaday wasiir Xoosh Jibriil una bixiyey naaneys cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, weerar culus ku qaaday wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo uu sidoo kale ugu yeeray naaneys aan horey loo maqal ama loo aqoon oo ah Il-duubte. Hoos ka aqis qoraalka Fiqi.

Mid ka mid ah wasiirada shaqo la’aantu heyso ee mid ka mid ah wasaaradaha dalka ugu muhiimsan xilkooda hadda haaya waa Xoosh Jibriil (il-duubte) ayaa si xun u soo xigtey asagoo soo jarjarey hadal ku saabsanaa musuqmaasuqa oo aan horey u iri!

Musuqmaasuq waqti uu xalaal yahey marnaba ma jirto, welina ololihii musuqmaasuq la dirirka ee aan ku jirey halkiisii ayaan ka sii wadayaa, musuqmaasuqii aan waagaas ka hadlayey mid ka xun oo ka badan ayaa hadda xukuumadda uu wasiirka ka yahey Xoosh ka dhex socda, balse Xoosh wuxuu ka duubtey indhihii oo umaba jeedo, wuxuu ka doorbidey in uu khubdooyinkeygii jarjaro asaga iyo kooxaha naflacaariga ah ee dacaayaddu hubkooda siyaasadeed uu yahayn ay ku faafiyaan boggiisa iyo bogag kale oo baraha bulshada ah.

Xoosh sanadkii 2012-kii dastuurka dalka wareeriyey oo mijaha iyo madaxa dawladnimadii iyo hey’adaheedii isaga xirey waa ninkii ka mas’uulka ahaa ee u gacan geliyey dad ajnabi ah iyo Mahiga oo markaas xafiiska qaramada midoobey joogay, mana jiro musuqmaasuq ka weyn midkaas oo dalkaan ka dhici lahaa, waxaa ayaandarro ah in ninkaasi uu weli mas’uul ka yahay dastuurkii dalka oo lagu abaalmariyey dhibaatadii uu dalka u geystay, asagoo ay wada shaqeyn la’yihiin guddiyadii madaxa banaanaa ee dastuurka iyo dawlad goboleedyadii..

Waxaa xusid mudan in Xoosh oo aqoon sharci loogu xuley wasaaradda dastuurka ay noo sheegeen dadkii yaqaaney in shatigii qareenimada dalka Kanada lagala noqdey, mas’uuliyad-daro xirafadda qareenimada ku saabsan oo uu ku kacey awgeed, welina anshax xumadii ayuu asagoo wasiir sheeganaya ka muuqata, waxaana kula talin lahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo ciyaal iska dhigidda, ilaaliyana mas’uuliyadda iyo xilka uu umadda u haayo.