Xog: Doorashada Puntland iyo qorshaha C/Weli Gaas

Garoowe (Caasimada Online) – Xili wax ka yar 40 maalmood ay ka harsan  tahay doorashada madaxweyne ee Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8 Janaayo ee sanadka soo socda ee 2019 ayaa waxaa xiligan jirta hadal hayn ku aadan qabsoomida doorashada.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Puntland ayaa ku kala ra’yi duwan qaabka iyo xiliga ay dhacayso doorashada waxaana qaarkood ay shaki galinayaan qabsoomida doorashada maadama aan wali lasoo dhisin gudigii xalinta khilaafaadka ee ka shaqeyn lahaa habsami u socodka doorashada.

Hase aahatee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay daahfurka mashruuc dib u casriyeyn loogu sameeynsyay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho ayaa meesha ka saaray hadal haynta ay qabaan Siyaasiyiinta iyo dad ka qaar ee reer Puntland kuna aadan in la arko Puntland oo doorashadeeda si xalaal ah xili la cayimay uga dhacda.

Hadalka Madaxweyne Gaas ee ah in ay dhacayso doorashada madaxweyne ee Puntland waxaa ku lifaaqnaa hadalka kale oo muujinayay damac uu markale madaxweyne Gaas ku doonayo in uu ku hanto kursi maaxweynenimo ee Puntland.

Hoos Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas iyo muujinta damaciisa doorashada 2019

Hadaba Siyaasi muuse cali jaamac oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Puntland oo aan wax ka weydiinay hadalka madaxweyne gaas iyo damaciisa siyaasadeed ee doorashada waxa uu sheegay in hubanti ay tahay in Gaas uu doonayo in markale uu kusoo laabto hogaanka Puntland.

Hase ahaatee Siyaasiga ayaa shaki galiyay in 8-Janaayo  ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland duruufo iyo daldaloolo siyaasadeed oo jira owgood.

Duruufaha aan saamaxayn in ay dhacdo doorashada ayuu siyaasi Muuse Cali Jaamac ku sheegay maqnaanshiyaha gudigii ka shaqeyn lahaa doorashada oo aan wali la magacaabin hadii la magacaabana aysan xiligan noqon doonin gudiga cadli ah oo si hufan u guta howlohooda shaqo.

Daldaloolada siyaasadeed ee aan suurtgal ka dhigayn qabsoomida doorashada Puntland ayuu Siyaasi Muuse ku sheegay faragelin ay xukuumada wakhtigeeda gabo gabad marayo ku hayso howlihii doorashada sida soo xulistii xildhibaanada iyo maroorsiga awooddii isimidu ku lahaayeen ka qeyb qaadashada iyo xulida xildhibaanada beelaha ku matalaya golaha wakiilada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweyne Gaas uu miciin biday cudud ka raadinta haweenka Puntland xili uu dhowr jeer oo hore warqado uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay in ay lama taabtaan tahay doorka haweenka ee kamid noqoshada xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Puntland.

Si kastaba xaal ha noqdee siddeeda Janaayo (8 January) ayaa loo madlan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho dad badan ay aaminsan yihiin in ay ka duwanaan doonto doorashooyinkii hore marka la eego sida awoodo kala duwan ay ugu baratamayaan ku guuleysiga kursiga looga arimiyo Puntland iyo isbedel ay rajaynayaan in shacabka Puntland ka fishaan doorashada.

Hadaba Hoos ka dhageyso wareysi dheer Siyaasi Muuse Cali Jaamac