Xog: Faarax C/qaadir oo la yimid ruuxii loogu beddeli lahaa SANBALOOLSHE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Somalia Faarax C/qaadir uu madaxweyne Xassan u gudbiyay shaqsiga laga dhigi lahaa Aggaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Xogtu waxa ay nagu soo gaareysaa in Wasiir Faarax C/qaadir uu Xassan Sheekh u gudbiyay Magaca Axmed Dayib Dhagacaleen oo kamid ahaa Taliyayaasha Boliska.

Axmed Dayib Dhagacaleen oo kasoo Jeeda Beesha Reer Ow-Xassan ayaa waxa uu xilal kala duwan ka qabtay Boliska, gaar ahaan Xarunta tababarka Ciidamada Boliska Iskuul buliisiya ee Generaal Khahiye.

Dhagacaleen ayaa waxa ay reer ahaan isku dhow yihiin Wasiirka Cadaalada Faarax C/qaadir, waxaana lagu wadaa inoo noqon doono Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, waa haddii uusan heshiiska is bedelin, wallow ay jiraan Rag kale oo u tartamaayo Xilkaasi.

Dhanka kale, warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ruuxa soo labeyn doono Dhagacaleen haddii uu xilkaasi qaban waayo, ayaa waxaa lagu wadaa in loo magacaabo Maxamed Sheekh Cusmaan oo kasoo Jeeda Beesha Dir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com