Xog: Farmaajo iyo madax goboleedyo kulan xasaasi ah la yeeshay Yamamoto iyo qorshe cusub oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay safiirka Markeynka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulankaan ayaa dhacay gelinkii dambe ee maanta ilaa caawa fiidkii hore markii ay madaxda kasoo ka soo laabteen Shirkii Dhuusamareeb.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulankan uu ahaa mid ka mid ah kulamadii ugu adkaa ee muddooyinkaan, waxaana looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb iyo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay sidii Mareykanka uu gacan uga gaysan lahaa in maamul gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland ay u ula kulmi lahaayeen madaxda dowladda si loo dhameystiro heshiiska Dhuusamareeb 3.

Si taas u hir-gasho madaxweyne Farmaajo ayaa laga dalbaday inuu casuumo labada madaxweyne goboleed, kadibna Mareykanka uu gacan ka gaysan doono inay aqbalaan casuumadda.

Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa laga dalbaday in xisbiyada mucaaradka ku qanciyo natiijada islamarkaana Mareykanka uu kamid noqdo dalalka dhaqan gelin doona qodobada ka soo baxay Dhuusamareeb 3.

Wararka ayaa sheegaya in Mareykanka uu madaxweynaha u sheegay inaan sidan doorasho lagu aadi karin, maadaama Puntland iyo Jubaland ay muhiim yihiin, sidoo kalena loo baahan yahay in xisbiyada mucaaradka ay aqbalaan heshiiska.

Qorshaha ayaa ah in la qabto shir kale oo dhameystir u ah shirka Dhuusamareeb 3, waxaana macquul ah in heshiiska Dhuusamareeb ay wax iska bedeli doonaan, maadaama aysan Puntland iyo Jubaland wax ka saxiixin.