Puntland oo lacag badan kusoo rogtay dadka safraya

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii u horeysay lacag badan kusoo rogtay dadka ka safraya deegaanadeeda, taasi oo gebi ahaanba aan jirin markii hore.

Puntland ayaa qofkasta oo ka safraya kusoo rogtay lacag dhan Lixdan iyo sideed doolar ($68), midaasi oo ah sida lagu sheegay mid uu qofku ku qaadanayo ‘shahaadada baaritaanka cudurka Covid-19’.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, maamulka ayaa qasab kaga dhigay qofkasta oo safraya inuu bixiyo lacagtaasi, haddii kale uusan heli doonin waraaqda safarka ee cadeynaysa baaritaanka cudurkaasi.

Lacagtaasi ayaa shacabka qaar ay ku sheegeen inay tahay mid xad dhaaf ah, marka loo eego mida dowladda federaalka iyo maamulada kale ee dalka, iyada oo cabasho xoogana ay ka muujiyeen shacabka maamulkaasi.

Somaliland oo ay xuduud wadaagan Puntland ayaa iyadu dadka safraya ka qaada lacag u dhaxeysa Toban ilaa toban iyo shan doolar, oo ay ku helaan shahaadada baaritaanka Covid-19.

Dowladda federaalka ayaa iyaduna dhawaan soo rogtay in dadka safraya laga qaado lacag aan ka badneyn Soddan doolar ($30), lamana oga sababta uu maamulka Puntland lacag intaas le’eg ugu soo rogay dadka qaadanaya shahaadada baaritaanka Covid-19, xili ay soo baxayso in Wasaaradda caafimaadka Puntland ay lacag ka sameynayso baaritaanka cudurkaasi.

Tan iyo intii uu bilowday cudurka Coronavirus ayaa waxa qasab noqotay in qofkasta oo safraya uu sito shahaado cadeynaysa inuusan qabin cudurkaasi, taasi oo uga baaqsanayo Karantiil muddo ah oo uu ku galayo meesha uu u safrayo.