24.3 C
Mogadishu
Thursday, July 31, 2025

XOG: C/raxman Faroole oo isbaheysi la furtay Gen. Cadde Muuse

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in uu madaxweynaha maamulka Puntland uu billbaabay isbaheesi cusub oo ku aadan siddii uu markale ugu guuleesan lahaa doorashada maamulkaas oo dhaceysa horaanta sannadka na soo aadan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay Axadii shaley madaxweynihi hore ee maamulka Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirse (Cade-muuse)oo ay isku kacsanaayeen waayahan dambe.

Kulanka oo ka dhacay Garoowe waxaa looga hadlay siddii uu Cadde Muuse taageero u siin lahaa Faroole oo hadda wajahaya loolan aad uga tan weyn.

Waxaa kaloo labada nin la sheegay in ay ka hadleen siddii ay u qabsoomi lahayd doorashadda maamulka Puntland oo ay hadda u taagan yihiin raag caan miisana ku leh reer Puntland.

Sidoo kale Faroole ayaa u sharraxay Cadde Muuse sababta keentay in uu magacaabo guddiga khilaafaadka, taasoo dad badan ay shaki weyn ka muujiyeen.

Si dhab ah looma ogga in kulanka dhexmaray Faroole iyo Cadde Muuse in la isku afgartay iyo in kale.

Cadde Muuse oo ka yimid magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar ayaa dhowr ka soo horjeestay qorshaha Farooel, taasoo keentay in labada ay dagaalamaan ciidamo kala tageersan.

Doorashooyinka Maamulka Puntland ayaa la shegayaa in isbadal ku keeni doonto xaaladda Puntland, waxaana musharrixiin farabadan ay hadda ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News