Xog: Farsamada cajiibka ah ee xubnaha Garbahaarey lagu geliyey xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullankii baarlamaanka maanta ee ajandahiisa ahaa xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq iyo xubnihii lagu soo doortay Garbahaarey ee sheegaya xildhibaannimada.

Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, ayada oo xildhibaano badan ay layaab ku noqotay sida ay xubnaha Garbahaarey kusoo galeen xarunta maadaama aysan haysan kaarar aqoonsi.

Si kastaba, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha Garbahaareey ay hab farsameysan ku galeen xarunta baarlamanka.

Kahor furitaanka kulanka baarlamaanka ayaa xubnaha Garbahaarey oo lagu soo daabulay gaadiid gaar ah, lana dhigay agagaarka Villa Uganda halkaasoo ay kasoo galeen Villa Hargeysa, waxaana buuq dheer kadib guddoonka baarlamaanka uu sheegay in kulanka uu yahay mid xil wareejin ah kaliya wax ajande kale ah oo uusan jirin.

Sida aan xog ku helnay, in xubnaha Garbahaareey gudaha u galaan xarunta baarlamaanka waxaa u fududeeyay saraakiil ka tirsan NISA iyo xildhibaan Kulane Jiis oo weli saameyn ballaaran ku leh hay’adda NISA.

Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa horay ugu sugnaa xarunta baarlamaanka iyadoo la siiyay kaararka aqoonsiga, balse sidoo kale xubnaha Garbahaarey laga soo doortay ayaa loo sameeyay kaarar aqoonsiga oo FAKE ah oo aan sharci aheyn.

Xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq ayaa sharci darro ku tilmaamay kasoo qeybgalka xubnaha Garbahaareey, isla markaana kaararka loo sameeyay ay ku tilmaameen kuwo been abuur ah oo sharci aheyn.

Maadaama ay xarunta Villa Hargeysa ku dhex-taallo Villa Somalia waa ay adkaan doontaa in xubnaha Garbahaarey la xakameeyo, waana arrin u taalla guddoonka baarlamanka inay go’aan rasmi ah ka gaaraan kiiskan.