Xog: Fartaag oo ka baxsaday dil-ka ciidamada AXMED MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe ay isku gadaamen Hooyga Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulkaasi Farataag.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadaasi ay xiriir la sameeyen Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulka islamarkaana ay ku amreen in ilaaladiisa uu Hubka ka dhigo, hayeeshee uu Fartaag amarkaasi diiday, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku dhow dhow Fartaag.

Ujeedka uu Axmed Madoobe ciidamadaasi ugu diray Madaxweyne ku xigeenkii hore C/laahi Sheekh Cismaaciil Farataag, ayaa aheyd in Fartaag lasoo xiro, balse uu arrinkaasi ka biya diiday.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay is ceer ceersiga ciidamada daacada u kala ah Axmed Madoobe iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore C/laahi Sheekh Cismaaciil Farataag.

Arrintaani ayaa timid kadib markii uu Khilaaf xad dhaaf ah soo kala dhexgalay labada mas’uul kaasi oo ka dhashay Hanjabaad iyo caga jugleen uu sameeyay Axmed Madoobe, waxaana laga cabsi qabaa in Fartaag uu dhibaato kala kulmo Axmed Madoobe, sida ay sheegtay idaacada SMN.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com