Xog: GALMUDUG iyo Koonfur Galbeed oo diiday qorshaha qabyaaladeysan ee Cumar C/rashiid..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ay dhawaan soo saareen maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed qaraar aay kaga soo horjeedaan hab maamuuska shirka wadatashi ee la rabo in lagu meel mariyo xulashada Xildhibaanada cusub iyo doorashada 2016 ee loo ballansan yahay.

Waxaa dad badan oo sharci yaqaano ah ay aad ula yaaban yihiin halka ay wax ku socdaan iyo sharci darrada la rabo in wax lagu soo xulo laguna doorto dowlad cusub oo Federaal ah sanadka danbe 2016.

Waxaa gebi ahaanba la dhinac maray dastuurkii dalka waana ayaan darro in hab sharci darro ah wax lagu soo xulo sharcigana la dhinac maro ayuu yiri garyaqaan Cabdulqaadir oo la hadlayey Caasimada Online. Waxaa uu intaa ku darya “Wixii sharci darro lagu dhiso; waxaa aay keeni doonaan dowlad aan sharci ahayn”

Halkan ka akhriso qoraalka ka soo baxay labada maamul ee saluugsan sida uu wax u wado RW Cumar.

KU: RW Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

OG: Madaxweynaha Koofur Galbeed

OG: Madaxweynaha Galmudug

Anagoo ixtiraamayna dadaalka aad sameyseen hadana waxaa marag ma doonta ah in la dhinac maray mabaa’idi aasaaska u aheyd dhismaha Gudiyada Madasha ee lagu go’aamiyay Shirki Madaxda Sare ee Muqdisho ka dhacay 21- 23 September 2015.

Waxaan soo jeedinaynaa in si deg deg loogu dhaqaaqo dhismaha Madasha Wadatashiga Qaran iyo Gudiyada hoos yimaada iyadoo la raacayo mabaadi’da/qodobada soo socda:

  1. Qorshe Howleedka iyo Mabaadi’da hagaysa (Action Plan and Guiding Principles) ee la isku afgartay Shirkii Wadatashiga Heerka Sare ee Muqdisho ka dhacday 29-30 Luulyo 2015.
  2. Go’aamadii kasoo baxay Shirki Madaxda Sare ee Muqdisho ka dhacay 21- 23 September 2015.
  3. In magacaabista gudiyada lagala tashado Madaxda Dowlad Goboleedyadda
  4. In la xaqiijiyo in guud ahaan xubnaha gudiyadu ka koobanyihin/mideysanyihiin dhamaan qeybaha kala duwan ee shucuubta Soomaaliyeed.
  5. Waa in laga dhowro cunsur kasta ee dhalin kara khilaaf ama loo arko in dhex-dhexaadnimadiisu dood dhalin karto.  

Shanta qodob ee kor ku xusan waxay habraac u noqon karaan dhismaha MADAL QARAN oo hufan isla markaana loo dhanyahay.

—-DHAMMAAD—-

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/10/RW-3.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/10/RW1.pdf”]

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/10/Members-of-the-TF.pdf”]