Qabyaaladda R/W CCC oo xargaha goosatay: Xil cusub oo yaab leh oo uu magacaabay + Cadeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Cumar uu xil u magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Cabdiqani Cabdi Jaamac.

Cabdiqani Cabdi, ayaa kasoo dhexmuuqday warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar, qoraalkaasi oo xil kamid ah xilalka Xafiiska Cumar loogu magacaabay Cabdiqani Cabdi.

Mas’uulkaani laga soo wareejiyay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa la sheegayaa inuu wato Hogaamiye Axmed Madoobe, waxa uuna ujeedku yahay in xilka uu ka hayay Madaxtooyada Jubba loo magacaabo shaqsi kale.
IMG_9835
Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu kamid yahay gudiga farsamada ee golaha madasha qaranka waana xubin xafiiska Ra’isul wasaaraha umatalaya gudigaasi waxa uuna ka yahay isku duwe, sida ay xogtu sheegeyso.

Dadaalkaani ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare Cumar lagu eedeeyay in xafiiskiisa uu ku ekeeyay kaliya Xubno ay isku beel yihiin, iyadoona ay xusid mudan tahay inta uu xilkaasi hayo uu Xafiiskiisa kusoo biiriyay shaqaale kor u dhaafaya 9 kuwaasi oo badi laga keenay Madaxtooyada Jubbaland.

Waxaa kale oo la yaab leh in Ra’iisal wasaaruhu ninkan ka dhigay mas’uul ka socda xafiiskiisa, iyadoo uu ka mid yahay Golaha wasiirada Maamulka Axmed Madoobe, kadibna xubin cusub oo ah Axmed C/raxmaan Xasan Guddiga ka siiyay isla maamulka Jubba.

Waxaa kaloo shaki weyn laga muujiyay in magacaabiddan ay soo baxday iyadoo Ra’iisul wasaaruhu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo dalkaba uu ka maqnaa. Siyaasiga C/qani Cabdi Jaamac ayaa wararku sheegayaan inuu si weyn ugu xiran yahay dowladda Kenya oo siyaasadaheeda ka fuliyo Jubbooyinka.

Arrimahan oo dhan iyo xaaladda kala-guurka ah ee dalku cagta saaray waxay u muuqataa in madaxda sare ay ku dhaqaaqi doonaan ku takri fal awoodeed iyadoo ay jirto cabsi weyn oo ku saabsan faragelin shisheeye iyo dano beeleed oo wada socda, waana fadeexad weyn oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku dhacay in wasiir ka mida maamulka Jubba oo ka dhigo mas’uul xafiiskiisa ka tirsan.

wareegtoccc

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com