Xog: Guddoomiye Jawaari oo wada qorshe cusub oo lid ku ah kiiska Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimada Onlne) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Shekh Cismaan Jawari ayaa ku howlan qorsho lagu kala dhantaalayo kiiska la xiriira C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Xogta ayaa sheegeysa in Gudoomiyaha uu kala dhantaalida xubnaha ku howlan kiiskaasi u adeegsanaayo qaar kamid ah Guddiga ka kooban 15 Xubnood ee loo xil saaray baaritaanka xaqiiqda kiiska Qalbi Dhagax.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa saacadihii ugu danbeeyay hooygiisa kulamo gaar gaar ah kula qaatay qaar kamid ah xubnaha loo xilsaaray kiiska, kuwaa oo laga dhaadhiciyay inaanu qaadqaadin kiiska Qalbi Dhagax.

Waxauu Jawaari xubnahaasi ka codsaday inay qaboojiyaan arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna qiray inay jiraan caqabado badan oo dowlada Federaalka kaga imaaday dhiibitaanka Qalbi Dhagax.

Xubnaha uu la kulmay ayuu u jeediyay inay dheereystaan wakhtiga baaritaanka si uu u yaraado hadal heynta iyo xiisada ka dhalatay arrinta Qalbi Dhagax.

 

HOOS KA AKHRISO LIISKA 15 XUBNOOD EE LOO XIL SAARAY ARRINTA QALBI DHAGAX

1-XIldhibaan Axmed Dhimbil Rooble

2-Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)

3-Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar

4-Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)

5-Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Ibraahin Baqdaadi

6-Xildhibaan Cali Yusuf Cismaan Ganey

7-Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh

8-Xildhibaan Hani Maxamed Aadan

9-Xildhibaan Ludfi Shariif Maxamed Cumar

10-Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin

11-XIldhibaan Maxamed Axmed Maxamed (Garweyne)

12-XIldhibaan Maxamed Cumar Caymooy

13-Xildhibaan Maxamed Ibraahin Cabdi Diyeeshe

14-Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi

15-Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud

Dowlada Somalia ayaa cadaadis xoogan kala kulmeysa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo cuskanaaya qorshaha lagu dhiibay Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com