Dhageyso: DF oo beenisay in loo diiday codkii ay ku laheyd shirka golaha guud ee QM

New Yark (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabtay Wararka sheegaya in loo diiday Codkii ay ku laheyd Shirka Golaha guud ee Q.M.

Dowladdu waxa ay sheegtay in ay jirto Lacag lagu leeyahay Soomaaliya balse taas aysan Saameyn ku yeelan doonin Codkii ay ku lahaayeen Shirka Golaha guud ee QM.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Daahir Cusmaan “Abuukar Baalle”   ayaa Sheegay in Soomaaliya lagu leeyahay Lacag dhan $ 1,400,000 { Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun oo doolar } sanad walbana looga baahan yahay Soomaaliya in ay Gudbiso Cudur daar aysan lacagtaasi ku bixin karin Islamarkaana laga Aqbalo, sanadkaana ay la mid tahay sanadihii hore.

Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay iney ka hadlaan ama iney codeeyaan.

Hadalka Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Baraha Bulshada lagu baahiyay Qoraal la sheegay in uu ka soo baxay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay taas oo lagu sheegay Liiska Wadamo ay Soomaaliya ku jirto oo lagu leeyahay Lacago deyn ah oo sanad walba dalalka ka tirsan UN-ka ku bixiyaan Qaaraanka Xubinimada QM.