27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Guuleed oo ku biiray olole ka dhan ah beesha Mudullood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku biiray olole si hoose u socda oo loogu magac daray “No More Abgaal” ama “Abgaal Dambe Maya”, kuna saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ololahan ayaa waxaa horboodaya ra’iisul wasaaraha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaana ku jira siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Cabdiraxmaan Ceynte, oo beelaha Xawaadle iyo Murusade ka dhashay.

Waxaa qorshuhu yahay in beesha caalamka iyo xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya laga dhaadhiciyo in qof dambe oo kasoo jeeda beesha Mudullood uusan dalka madaxweyne ka noqon, ugu yaraan mustaqbalka dhow.

Dadka wada ololahan ayaa ku andacoonaya in maadaama Xasan Sheekh uu hoggaanka dalka ku fashilmay in beesha Abgaal aysan u qalmin inay mar kale dalka hoggaamiso, ayada oo Xasan dartiis weerar loogu qaadayo beel dhan.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Guuleed uu ku biiray qorshahan isaga dantiisa siyaasadeed eegaya, maadaama uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guuleed ayaa wararku waxay sheegayaan in dhowaan uu ku dhawaaqi doono inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, asaga oo doonaya inuu helo codka xildhibaanada diidan Xasan Sheekh, xilli uu shabad wada saaray beesha Abgaal.

Dadka siyaasadda u ololeeya ayaa ka digaya in arrinta Guuleed uu ku dhaqaaqay ay xiisad ka dhex dhalin karto beelaha Abgaal iyo Habar-Gidir, soona cusbooneysiin karto dhaawacyadii kala gaaray labadan beel ee walaalaha ah dagaalkii afarta bilood.

Dhinaca kale, warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Galmudug ay diyaarinayaan mooshin xilka looga qaadayo Guuleed, maadaama uu ku biiray dagaal qabyaaladeed ka dhan ah mid ka mid ah beelaha maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News