Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Heshiis gaara oo dhexmaray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.
Heshiiska oo qeybo kamid ah ay heshay Caasimada Online, ayaa waxa uu salka ku hayaa kala bedalasho ku aadan Taageerida Sharmaarke, waxa uuna heshiiskaasi dhaqan gali doonaa haddii la doorto Cumar C/rashiid.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa C/wali Gaas u ballanqaaday 6 qodob oo uu fulindoono waxaana kamid ah:
1-In Maraakiibta kusoo xirata Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho loo weecin doono Dekadda Bosaso.
2-In qalabka ugu badan ee Dekadda magaalada Muqdisho loo rari doono magaalada Bosaso.
3-In Caasimada Somalia loo wareejin doono magaalada Garoowe.
4-In Xafiiskiisa koowaad uu ka dhigan doono magaalada Garoowe, halka xafiiska labaadna uu ka dhigan doono magaalada Muqdisho oo la qorsheeyay inay noqon doonto Caasimada labaad.
5-In xarumaha Wasaaradaha xukuumada cusub loo kala qeybin doono magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.
6-In Safaaradaha dowladaha saaxiibada la ah Somalia ay saldhig ka dhigan doonaan magaalada Garoowe, isla markaana laga wareejin doono magaalada Muqdisho.
Ra’isul wasaaraha Somalia oo u hanqal taagaya Madaxweyninimada Somalia, ayaa ujeedkiisa ugu waxa uu yahay inay kala qeybiyo dalka, waxaana xusid mudan in Guushiisa ay guul u tahay keliya dowlada Imaaraadka iyo maamulka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Musharaxnimada Cumar C/rashiid ayaa waxa ay walaac galineysaa Beelaha Hawiye oo loogu tallo galay in laga xaalufiyo Kheyraadkii ay ku lahaayen Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

