Garoowe(Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay ololihiisa ka socda dalka.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in dhawaan magaalada Abu Dabai uu u aaday arrimo la xiriira ololihiisa doorasho.
Sharmaarke waxa uu sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in Xasan Sheekh uu kala dego Kursiga waxa uuna tilmaamay inay ka go’an tahay inuu noqdo Madaxweynaha bedeli doona Xasan Sheekh.
Cumar C/rashiid waxa uu intaa raaciyay inaanu munaasib aheyn in Xasan Sheekh uu mar kale Madaxweyne ka noqdo dalka Somalia, waxa uuna arrin nasiib darro ah ku sheegay in Xasan Sheekh uu mar kale ku dhiirado inuu hogaamiyo dalka.
”Haddii Xasan Sheekh uu mar kale kusoo baxo doorashada Somalia micnuhu waxa ay ka dhigan tahay Somalia waxa ay gashay jawi aan fiicneyn”
”Xildhibaanadu waxan oran lahaa doortay musharax aan horay usoo hogaamin dalka, waayo Xasan Sheekh waan aragnay inuusan hogaaminkarin Somalia muddo afar sano ayuu ku fashilmay siyaasada Somalia”
Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid waxa uu sidoo kale sheegay in shaqsi ahaantiisa uu yahay musharax u baahan in la tijaabiyo, waxa uuna ka digay in mar kale la doorto Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddalka Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa imaanaya iyadoo inta badan Musharaxiinta ay si ba’an kaga soo horjeedan Madaxweyne Xasan Sheekh oo la rumeysan yahay inuu ku fashilmay Siyaasada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

