28.8 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Xog: Olole ka dhan ah CC oo Muqdisho ka socda iyo xildhibaanada cusub oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka bilowday ololo ka dhan ah Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ololaha ayaa waxaa wada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Cusub ee Somalia kaa oo ka socda Hoteelada magaalada Muqdisho.

Ololaha cusub ee ka dhanka ah Ra’isul wasaaraha xukuumada ayaa waxaa hogaaminaaya Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Ololahaani ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu tashkiiliyo Xildhibaanada ku feelan Cumar C/rashiid waxaana sidoo kale lagu kasban doonaa Xildhibaano dhowr ah oo kamadax-banaan xarig jiidka u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo garabkiisa ayaa xusul duub ugu jira kala dhantaalida Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu tashkiiliyay kulan isbarasho ah oo ka dhacay magaalada Garoowe kaa oo loo qabtay Cumar C/rashiid iyo Xildhibaanada Majeerteen.

Maamulka Puntland ayaa juhdi galinaaya sida uu kusoo bixi lahaa Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid oo loolan adag kula jira Madaxweyne Xasan oo doonaaya in markale uu hogaanka u qabto dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News