27.9 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

HADLIYE oo ka lug baxay kiiska badda SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia C/salaad Hadliye ayaa markii ugu horeysay madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ku wargaliyay in barri uu yahay muranka lagu soo celinaayo Badda Somalia.

Ilo ku dhow dhow Wasiirka ayaa inoo xaqiijiyay in Hadliye uu Madaxweyne Xassan Sheekh u sheegay inaan wax laga weydiin karin arrinta Badda Somalia iyo dacwada Dowlada ay u gudbisay Maxkamada Cadaalada.

Hadliye ayaa ku dooday in howlaha Dacwada ay aheyd in lasoo mariyo Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia, balse ay Xukuumadu ku dhiiratay in howlahaasi loo gacan galiyo Hay’ado aan furitaanka Dacwadaasi lahen.

C/salaan Hadliye waxa uu tilmaamay in xitaa Wasaarada aan lagu wargalin in Dacwadaasi la horgeynaayo Maxkamada, taasina ay dhibaato u keeneyso hanaanka Siyaasadeed ee Somalia.

Axmed Daahir oo ah xeer ilaaliyaha Qaranka ayuu ku dhaliilay in isaga uu sabab u yahay baalmarka Wasaarada waxa uuna cadeeyay in looga baahnaa inuu Wasaarada horkeeno si loogu fasaxo howlaha Dacwada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan oo C/salaan Hadliye ka gudoomay dacwadaasi ayaan wali ka bixin wax jawaab ah sida ay xogtu sheegeyso balse waxaa Xassan iyo Hadliye dhexmari doona wada hadal gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News