Xog: ‘Qaraxa waxaa lala rabay Turkish Airlines’

Muqdisho (Caasimada Online) – Rakaabka Diyaarada Daallo Airline ay Tallaadadii ka qaaday garoonka diyaarada ee magaalada Muqdisho ka hor inta qaraxa uusan ka dhex dhecin diyaarada ayaa ahaa rakaab u diiwaan gashanaa Diyaarada Turkish Airline.

Xogo dheeraad ah oo laga helayo wararka ku aadan diyaarada Daallo iyo qaraxii ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxaasi lala damacsanaa diyaarada Turkish Airline, waxaase diyaarada xogo sirdoon oo ay heshay diiday iney Muqdisho soo cago dhigato.

Diyaarada Daallo ayaa dooneysay in Rakaabkaasi ay Turkish Airline ugu geyso dalka Jabuuti, maadaama ay diiday iney kasoo dagato garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xogaha dheeriga ah ee la helayo ayaa sheegaya in shaqsiga diyaarada isku qarxiyay uu wattay Baasaboorka Soomaaliya oo sanado ka hor uu ku dalbaday qaab Internet ah.

Sidoo kale waxaa soo baxaya xogo sheegaya in Diyaarada Turkish Airline ay si kumeel gaar ah u joojisay dadkii ay ka qaadi jirtay magaalada Muqdisho iyo duulimaadyadii ay ku imaaneysay, waxaana socdo qorshe ay kaga shaqo bilaabeyso magaalada Hargeysa.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda waddo sidii ay diyaaradaasi kaga dhaadhicin laheyd amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, islamarkaana diyaarado kale oo caalami ah kaga soo dagi lahaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com