Xog: Hoggaamiye ka tirsan Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay iyo xog laga helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo amnio o lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in gelinkii dambe ee 21-kii bishan March ay ciidamada ammaanka degmada Yaaqashiid ka soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. 

Saraakiisha aan la hadalnay oo ka gaabsaday in la shaaciyo magacyadooda ayaa Caasimada Online u sheegay in guri ku yaalla xaafadda Fagax, gaar ahaan agagaarka masjidka Sheekh Xasan Calasow ama ka soo horjeedka hoteelka Lafweyn, ay ciidamada kasoo qabteen sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in ciidanka oo kuwa afka duuban ee Waran ay 22-kii bishan markale dad ka soo qabteen isla xaafaddii, kuwaas oo la sheegay inuu xogtooda bixiyay hogaamiyaha laga soo qabtay degmada Yaaqshiid Axaddii. 

Mas’uuliyiinta nala hadlay ee ka tirsan ciidamada amniga ayaa sheegay in ninkaan uu magacyo kala duwan uu isticmaali jiray, waxaana kamid ah Sheekh Maxamed, Abuu Cabdalla iyo Tabliiqa, waxa uuna ahaa tababare iyo amiir dhinaca qaraxyada ah. 

Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in ninka la qabtay uu taliye u yahay Kooxda Qaraxyada Miinooyinka u qaabilsan Al-Shabaab ee ka howlgalo degmooyinka gobalka Banaadir. 

Ninkaan oo muddo dheer la baadi goobayay ayaa xogtiisa la helay maalmo kadib qaraxii ka dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, qaraxaas oo lala egtay guddoomiyaha arrimaha Bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow waxaana ku dhintay 3 kamid ah ciidankii la socday. 

Hay’adaha amniga wali faah faahin kama aysan bixin sarkaalkaan waxaase la filayaa in dowladda ay dhowaan ka hadasho.