Farmaajo ma ku guuleystay inuu toosh ku ifiyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaashanaya madaxweyne goboleedyada taabacsan ayaa dejiyey qorshe uu toosh ugu ifinayo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. 

Sida aan ku helnay ilo-wareedyo xog-ogaal ah, madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kulankii habeenkii Axadda dhacay Villa Somalia ku heshiyay inay shirka Afisyoone tagaan inkasta oo ay qaadaceen madaxda Puntland iyo Jubaland

Qorshaha arrintan laga leeyahay ayaa ah in beesha caalamka loo dareensiiyo in ay ka go’antahay heshiis la gaaro, sidoo kalane ay beesha caalamka u aragto in shirarka ay diidan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. 

Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ayaa mar kale Talaadadii iyo Arbacadii shir ku qabsaday Afisyoone, ayaga oo isu muujinaya xal doon, oo cidda dhibaatada waddo ay yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Villa Somalia ayaa sidoo kale habeenkii Axadda baahisay ajende shir oo aan raali laga wada-aheyn oo ay soo gudbisay beesha caalamka. Ajendaha oo ahaa mid aan dhameystirneyn oo Villa Somalia loogu gudbiyey un inay eegto, ayey u dusisay warbaahinta, si looga carreysiiyo Deni iyo Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo garab ka helaya midowga musharaxiinta ayaa dagaal adag kula jira Madaxweyne Farmaajo iyo maamulada taabacsan, kuwaas oo aad isugu dayaya in ay meel mariyaan rabitaanka Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Dadka darsa arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in maqnaanshaha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ah qorshe ay ka shaqeysay Villa Somalia looga dan leeyahay in loo muujiyo kuwa diidan doorashada Soomaaliya, si la saaro cadaadis beesha caalamka ah. 

Si kastaba, ma cadda haddii qorshahan uu ka gadmi karo beesha caalamka, maadaama walaacyada ay qabaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay yihiin kuwa sharci ah, oo muuqda, waxaana qoraallada beesha caalamka kasoo baxay si toos ah loogula hadlay labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo ay sameynayaan dhinacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaas oo raadinaya danaanshaha Soomaaliya.