JUBALAND oo war cusub kasoo saartay heshiiska Janan iyo DF Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay heshiiska dhex-maray Cabdirashiid Janan iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa wareysigan ku sheegay in go’aanka Janan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana uu weli sideedii yahay mowqifkeeda.

“Janan waa wasiirkii hore ee amniga muddo dheer ayuu Jubbaland u soo shaqeynayey, dowladdu iyadaa mar xirtay oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay, isaguna go’aanka wuu qaatay wuu la wareegay, laakiin Jubbaland mowqifkeeda waa sidii,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa soo hadal qaaday waxa ay Jubbaland kala socotay wada-hadallada Janan iyo dowladda dhexe, wuxuuna uu tilmaameen in waqtiyadii u dambeeyey ay ka war-heleen, balse go’aanka uu ahaa mid dhacay oo ay wada gaareen labada dhinac.

“Waqtiyadii u dambeeyey ayaan ka war-helnay, laakiin go’aanku marbuu dhacaa waa uu dhacay kolley hadda muhiim maaha wixii hoostooda ay usoo wada-hadlayeen, laakiin muhiimku waxa ay tahay inuu go’aanka gaaray, iyagana ay gaareen,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Janan iyo dowladda Soomaaliya uusan saameyn ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana shaqadu ay halkeeda kasii socon doonto, ciidamaduna ay joogaan meeshii loogu tala-galay.

“Anaguna xilka waa laga wareejiyey marka shaqaduna sideedii-beyn u soconeysaa, ciidamadiina aagii ayey ku sugan yihiin,” ayuu kuu soo gabagabeeyey wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo muddo dagaal kula jiray dowladda federaalka lagu soo dhoweeyey gudaha degmada Beledxaawo) kadib heshiis uu la galay saraakiil ka socotay hay’adda nabad-sugida & sirdoonka qaranka.