Xog: Beesha Caalamka oo shir uu dibad joog ka yahay FARMAAJO u qabaneysa madax gobaleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wafdiga maamulada Puntland iyo Jubaland ee ku sugan, wakiilada beesha caalamka ayaa maanta shir gaar ah u qabanaya 5-ta maamul gobaleed ee dalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in marka hore la xaliyo tabashooyinka u dhaxeeya hogaamiyaasha maamul gobaleedyada kahor inta aanay la kulmin Farmaajo.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay furre u noqdeen shirka maanta dhacaya, oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-galaan wakiilada beesha caalamka ee loo yaqaan C6+.

Waxaa la filayaa in shirkan looga heshiiyo ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaa la filayaa in shir gaar ah loo qabto loona sheego in dalka badbaado ka rabo maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa uu noqon doonaa markii labaad oo shir gooni ah ay yeeshaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, kaddib shirkii Dhuusamareeb 1 ee sanadkii hore. 

Beesha caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay gashay mashquul badan oo arrimaha Soomaaliya ah maadaama ay sii kala fogaadeen madaxda Soomaalida, islamarkaana laga heshiin la’yahay arrimaha doorashada Soomaaliya.

Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda Soomaaliya oo hadda mareysa meel adag waxaana wadanka ka socda kulamo kala duwan oo ay wadaan dhinacyada siyaasadda, hogaamiyaasha arrimaha bulshada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.