Weerar lagu qaaday Xalane iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Onine) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyeyaal ah oo markale maanta lagu qaaday xerada Xelane ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ilo deegaanka ayaa innoo sheegaya in hoobiyeyaasha ay gaarayeen illaa saddex madfac, kuwaas oo qaarkood ku hoobtay xaafadaha ku dhow xerada Xanale oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado, hay’ado, sidoo kalena ay joogaan madax goboleedyada.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa uu ku dhintay hoobiyeyaashaasi, kuwaas oo kala ahaa Aabe & wiil yar oo umul lagula jiray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad illaa 5 qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

“Weerarka waxaa ku dhintay labo ruux ka dib markii madfac ku soo dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xalane, Aabihii qoyska iyo wiil yar oo umul lagula jiray ayaa dhintay waxaana dhaawacmay 3 ruux oo isla qooyskaas ah,” ayuu yiri qof goobjooge ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambye tegay goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey agagaarka xeyndaabka Xalane.

Waa markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xerada Xalane, tan iyo markii ay soo gaareen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeedo hanaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.