Qarax Muqdisho ka dhacay oo lagu dilay sarkaal sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada soo boodada ah ayaa ka dhacay laamiga cusub ee degmada Dayniile , iyadoo lala eegtay sarkaal ka tirsanaa milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari Saruf ah oo uu la socday sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis & qaar ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo lasoo wariyey inuu ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacyo gaareen askartii la socotay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan milatariga oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo meydka & dhaawacyada ka qaaday halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda & maamulka degmada Dayniile oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada ceynkan oo kale ah ka fulisa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo si kordhayey maalmihii lasoo dhaafay.