Bukhaari: Dowladnimadu ma’aha la jiifiyaa bannaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa si adag uga hadlayey heshiiska la sheegay inuu dhex-maray wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) & dowladda.

Abshi Bukhaari ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in weli Cabdirashiid Janan uu yahay eedeysane loo heysto eedeymo ka dhan ah aadanaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin qof ka tiri kara eeda loo heysto&  kiiskiisa ka yaalla maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka sare ayaa sidoo kale heshiis siyaasadeysan ku tilmaamay heshiiska ay wada-gaareen Janan iyo dowladda, wuxuuna intaasi ku daray in uusan wax saameyn ku yeelan karin kiiskii horey u taagnaa iyo dacwadda taalla maxkamadda.

“Heshiiskan siyaasadeysan ee dhexmaray Dowladda Federaalka & eedeysane Cabdirashiid Janan kuma yeelan karo wax saameyn & raad sharci ah kiiskii taagnaa ee horey loogu soo eedeeyay kaas oo ay qasab tahay in lagu dhameystiro xayndaabka nidaamka garsoorka dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sentor Abshir Bukhaari.

Shalay ayey markii wasiir Janan si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii uu heshiis hoose la galay dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka  aqriso:-

QOFKUU DOONO HA AHAADEE, MA JIRO QOF EED TIRI KARA EEDEYSANE GARTIISU AY MAXKAMAD HORTAAL.

Hay’adaha Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah horey ugu soo eedeeyeen Cabdirashid Janan dembiyo la xiriira xuquuqda aadanaha isaga oo mar ka soo muuqday maxkamad kadibna uu ka baxsaday meel lagu hayay markaas waxaa loo jaray amar soo qabasho si loo horgeeyo caddaaladda.

Hadaba, heshiiskan siyaasadeysan ee dhexmaray Dowladda Federaalka & eedeysane Cabdirashiid Janan kuma yeelan karo wax saameyn & raad sharci ah kiiskii taagnaa ee horey loogu soo eedeeyay kaas oo ay qasab tahay in lagu dhameystiro xayndaabka nidaamka garsoorka dalka.

Sidoo kale, dowladnimadu ma aha la jiifiyaana bannaan ee waa hay’addo isku sidkan oo haddana kala madaxbannaan go’aanadoodana lagu hago dastuur iyo xeerar u degsan.