Xog: Isbitaallada Muqdisho oo joojiyay inay qaabilaan bukaano cusub + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in inta badan Isbitaallada magaalada Muqdisho ee sida gaarka ah loo leeyahay ay joojiyeen qaabilaada bukaanada cusub ee Isbitaallada yimaada.

Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in maamullada Isbitaalada ay ilaaladooda ku wargeliyeen in aysan soo daayin bukaan cusub, xitaa dumarka foosha ah sabab la xariirta cabsida cudurka COVID-19.

Dhowr qof oo hadda ku xanuunsan Muqdisho ayaa tagay Isbitaalada qaar waxaana loo sheegay in aan la qaabili karin sabab la xariirta cabsida Coronavirus oo dalka ku sii baahaya.

“Isbitaalka Digfeer ayaa la xiray kadib markii lagu arkay kiisas COVID-19 ah,  waxaa ku dhacday khasaaro sababtoo ah bukaanadii dhan ayaa ka baxay kuwa cusubna kuma dhiiran karaan marka sidaas ayey ka baqeen kuwa kale,” ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online.

Hadda Muqdisho Isbitaalada waa weyn ee sida gaarka ah loo leeyahay ma jirto bukaano cusub oo ay qaabilayaan waxayna arrintaan halis ku tahay caafimaadka dadweynaha.

Qaar kamid ah dadka xanuunsan ee loo diiday daryeelka ayaa hada lagu daaweeyaa xaafadahooda kadib markii loo keenay dhaqaatiir ay qaraabo yihiin, waxaana dowladdu loogu baaqay in arrintaan ay xal u raadiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 60 qof uu ku dhacay Covid-19 gudaha Soomaaliya, ayadoo tirada shalay kaliya la xaqiijiyey ay gaartay 35 qof, taas oo wadarta guud ka dhigtay 60 qof.