Xog: Itoobiya oo qorshe halis ah ka wada gobolka Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) –Dowladda Itoobiya ayaa olole culus ka bilowday gobolka Gedo, kaas oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, qorshahaan ayaa daba socda damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo ayey dowladda Itoobiya isugu yeertay, kadibna waxaa la faray in gobolkaas aysan ka dhici karin wax banaanbaxyo dadweyne ah oo looga soo hor jeedo heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee badda.

Sidoo kale Itoobiya ayaa heshiis hoose la gashay Axmed Madoobe oo damac weyn uga jiro inuu mar kale ku soo laabto xukunka, waxayna xogo hoose sheegayaan inay Itoobiya heshiisyo qarsoodi ah la geleyso madaxda dowlad goboleedyada qaar.

Dhinaca kale shacabka gobolka Gedo ayaa cabsi xooggan ka muujiyey dhufeysyo ay qoteen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo muujinaya in Itoobiya ay isku diyaarineyso dagaal uga imaan kara Soomaalida.

Dad ku nool gobolka Gedo oo la hadlay Caasimada Online ayaa noo xaqiijiyey in 10 sano oo ciidanka Itoobiya ay joogeen gobolkaas ay maalmahaan arkeen, iyagoo markii ugu horeysay dhufeysyo qodanaya.

Sidoo kale, maalmo ka hor ciidamada Itoobiya waxay gobolka Gedo ku kufsadeen ugu yaraan labo haween ah, waxaana arrintaas ka dhalatay caro dadweyne oo xoog leh.

Maamulka gobolka Gedo ayaa shacabka faray in hoos loo dhigo wararka ku saabsan kufsiga ay geysteen ciidamada Itoobiya, iyagoo balan qaaday in la xalinayo ehellada dadkii ay dhibaatadu gaartay, taas oo dadka reer Gedo ay aad uga caroodeen.

Itoobiya ayaa wajaheysa xiisadii ugu cusleyd, kadib markii dadka Soomaaliyeed ay ka caroodeen damaceeda ay ku dooneyso qeyb ka mid ah Badda oo Muuse Biixi uu si qar iska tuurnino ah ugu saxiixay, waxaana 18-ka bishaan Uganda ka dhacaya shir ay dalbatay Soomaaliya oo IGAD ay ka yeelaneyso arrintaan.