Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa go’aamisay in wafdi culus oo heer sare ah usoo dirtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, si ay wadahadal toos ah ula galaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan waxaan qayb ka noqon doono mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya iyo taliyaha ciidanka Itoobiya Jeneraal Burhan Julla, waxayna kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.
Qorshaha wafdiga ayaa ah inay dowladda federaalka kala hadlaan dhammeystirka joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo arrimo ku aadan sii dhaqaajinta heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka.
Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara.
Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya.
Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.