XOG IYO GORFEYN: Saacid loo darsan maayo…Laakiin Cabdi-Wali Sheekh?

Anigu ma qabo in Saacid loo darsan doono! Wax dhici karaba ilama aha, oo maxaa loogu darsan haddaad aqristow adigu garanayso? Saacid haddii loo darsanayo shaki la’aan cidda keliya ee u darsan lahayd waa madax-weynaha isagii baana ku yiri is Cazil, mid iyadu shaki kuma jiro, in madax-weynaha iyo barlamanaka labadaba aysan Saacid u erin dano Soomaaliyeed ama qaran taas iyadu waa caddahay, hadana waxaan qabaa in laga raysto mooyee inaan marna Saacid loo darsanayn! Balse la arki doonee…..

Ismaanan lahayan Xasan SHiikh Max’ud baa maalin keliya Saacid wax ku gensaday, balse waa dhacday!! Ismaan lahayn dhaqsahaas buu ku soo magacaabayaa ra’iisal wazaare (December2-12) oo uu ku heli karaa qof Saacid u bedela, laga yaabo inuusan Saacid oo kale u noqon balse waa dhacday!!, Ismanaanan lahayn qof arkay sida Saacid ugu hoggaansanaa Xasan iyo sida uu ula dhaqmay baa Xasan ka yeelay inuu ra’iisal wazaare u noqdo balse waa dhacday!!…waa wax lala YAABO!

*Saacid iyo Xasan ismaba qaban!*

Xasan iyo Saacid maalin keliya isma qaban, waana ognahay oo qof kasta waa ka dheregsanyahay in Xasan SHiikh Max’uud ahaa Madax-weynaha isla markaasna ah r’iisal-wazaaraha dowladda federal-ka Soomaaliya, hasa yeeshee dhibaatadu waxay bilaabatay sida ay tilmaamayaan wararka soo baxay markii Faarax Cabdulqaadir waziiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada uu bishii hore November ku soo laabtay magaalaada Muqdisho isagoo wada olole ka dhan ah SHir-doon, xilli ay Xasan SHiikh iyo Saacid ku mashquulasnyihiin isku shaandhaynta waziirrada, taasina waxay keentay in Xasan SHiikh oo aan waligiis waxba ku gensan uu Saacid ka codsado inuu is cazilo.

Faarax, waziiru-dowlaha, ayaa madax-weyne Xasan uga haray Maraykanka markii uu ka qayb geliyay kulankii guud ee Qarammada Midoobay ka dibna sida la sheegay wada tashiyo la soo sameeyay qaar ka mid ah qurba joogta ay xulafada yihiin ee ku nool dalalka Maraykanka iyo Yurub, talada SHir-doon looga hor yimidna sidaas ay ku dhalatay.

*70 qof sooma raadsan xilka ra’iisal-wazaaraha!*

Inta la ogyahay jagada ra’iisal wazaaranimmada madax-weynaha ayaa baadi goobay qofka loo magacaabayo, mana jirin dad ku soo yaacay jagadaas, sababta ugu weyn ee aan loo raadsan xilkaas waxay ahayd iyadoo ay adkayd si loo helo qof aqbali kara dabeecaddii uu ku shaqayniyay ra’iisal-wazaarihii hore SHir-doon, laakiin waxaa jirtay in raga madax-weynaha ku dhow-dhow ay isku qabteen dhowr qof sida Xalane, iyo Giin-jeex iyo Cabdi-wali SHiikh.

Magacaabista Cabdi-Wali SHiikh ayaa sida la sheegay waxaa soo jeedinteeda lahaa Cabdullaahi Max’ed Cali (Sanbalooshe) oo ay dadka yaqaano rumaysanyihiin inuu yahay xubinta ugu muhiimsan la taliyeyaasha madax-weyne Xasan SHiikh, waxaana Sanbalooshe uu aad uga dhex muuqday heshiiskii lala galay maamulka Jubba ee Addis Ababa ka dhacay, sidaasoo kalana Xasan SHiikh wuxuu ahaa ninka keliya ee la taliyeyaashisa ka mid ah ee safarkii uu Kismaayo ku tegay ku wehliyay marka laga reebo waziirka arrimaha gudaha, isagoo markaas ka soo duulay dalka Ingiriiska.

*Jawaari ma la moodaa af-hayeenkii madaxtooyada!*

Barlamaanka oo la dhihi karo war moog buu ahaa, hawlaha golaha fulinta ka dhex socdana dad-weynaha caadiga ah kala mid ah oo aan waxba ka war hayn, si aad ahna loogu dhaliilo hawshoodii sharci ilaalinta ahayd inay ku bedesheen madax-weyne ilaalin, baa iyagana ku shaqeeyay mooshinkii ay waziirka xafiiska madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo madax-weynaha soo diyaariyeen.

Waxaa laga yaabaa inaad is leedahay qoraaga muxuu ku cadayn karaa in barlamanka madax-weynaha ilaalinayo? U malayn maayo inay taasi wax qarsoon tahay, immisa jeer baa Jawaari, af-hayeenka golaha shacabku uu difaacay Xasan SHiikh, waliba si qayaxan, mar waxay ahayd markii xil-dhibaano uu hoggaaminayay Cali KHaliif Galayr ay mooshinka ka keeneen heshiiskii ay dalka Turkiga ku saxiixdeen Siilaanyo iyo Xasan SHiikh, markaasoo uu si cad u laalay mooshinka, balse is weydiiyoo maxaa hadda loogu diiday Cabdi Faarax SHir-doon inuu barlamanka la hadlo ka hor intaysan go’aan ka gaarin?! Waa hubaal dad badan baa aaminsan inuusan waxba macno badan sheegeen, laakiin mas’uul huwan xil heer r’iisal wazaare ah, haybaddii qaranka huwan, mooshin ka yaal oo rabo inuu is-difaaco sababta loogu diiday haddii aysan ahayn ilaalin madax-weyne… sababta Af-hayeenka iyo golaha xil-dhibaannada aan ka sugno!…Mise aragtay isla markiiba siduu u shaqeeyay ololihii uu Faarax Cabdulqaadir ka dhex sameeyay golaha shacabka si loo rido ra’iisal-wazaare SHir-doon?!….

Tegista Saacid waa rajadii dalka oo soo noqotay, Cabdi-Wali SHiikh Axmed ra’iisal wazaaraha cusub waxaa laga sugayaa wax qabad u baahan dhiiranaan iyo dhabar adayg, waana inuu maanka ku hayaa in arrimaha dalka ka jira aysan fududayn, dowladda hadda jirtaa oo uu ugu horeeyo madax-weyne Xasan taladeedu waxay ku soo ururtay inay dib dalkii ugu celiyaan burburkii uu ka soo kabsanayay.

Waxaad wax kasta ku qiyaastaa odayga adeer ah ee ilaa xilligii kacaanka wax soo maamulayay Max’ed Cusmaan Jawaari oo ah af-hayeenka golaha ilaaliya danaha shacabka (Xil-dhibaannada ) maalin keliya waxba kama oran dadka lagu gummaaday gobollada SHabeelaha –Dhexe iyo SHabeelaha-Hoose, waana arrin muhiim ah oo ka mid ah adiga laftaada ka ra’iisal-wazaare hawlaha ku sugaya.

*SHabeelooyinka!*

Waxaa arrin maskaxda ka weyn ah adigana ku hor taal in madax-weynaha uusan marna ka jawaabin cabashooyin uga yimid odayaasha dhaqanka ee SHabeelaha-Hoose, SHabeelaha-DHexe, iyo Hiiraan iyagoo ka eed sheeganaya dagaalo ay kuy soo qaadeen ciidammada huwan magaca dowladda iyagoo ka amar qaadanaya waziirka arrimaha gudaha iyo midka gaashaan-dhigga oo aan iyagu marna waxba ka oran eedaha laga tirsanayo, aamusnaantoodana loo macnaysan karo inay wax ka jiraan eedaymaha loo soo jeedinayo.

Cabdi-Wali SH. Axmed, waxaa looga baahanayahay lahjadaha Soomaaliga uu ku hadlayo inuu ka daro inuu fahmo lahjadaha siyaasadeed ee uu soo dhex galay ra’iisal-wazaarihii ka horeeyeyna aan u malayniyo inusan waxba ka fahmin, waxaa looga baahanyahay inuu qorshe la yimaado, inuu ku shaqeeyo xukuumaddiisana ay u hogaansanto dastuurka iyo xeerarka dalku leeyahay ee lagu heshiiyay, inuu si buuxdo ugu shaqeeyo awoodda qaynuunka dalka uu siiyay dhabarkana u rito eedda xilka uu qaaday isla markaasna uusan ka cararin si uu u raali geliyo qof aan ka xaq badnayn ummadda dastuurka ku heshiisay inteeda kale

Nin kasta oo innaga mid ah wuu garan karaa madax-weynaha sidii uu u dhaqmayay intii uu joogay ra’iisal wazaare SHir-doon, madax-weyne, ra’iisal wazaare….Wax Kasta isagaa ahaa, waxay is weydiin ka taagantahay ninka intaas og oo waqtiga sidaas u gaaban ku waafaqay Xasan SHiikh inuu la shqeeyo!…Muxuu ogyahay? Waayo way cadahay Xasan SHiikh ninkii la shaqaynaya waa inuu sidii Saacid ahaadaa ama waa inuusan imaan!

*Alle ha u naxariistee dilkii xil-dhibaan Faysal: golaha shacabka yam! ma la haystayaal baa?!*

Alle ha u naxariistee xil-dhibaan Max’ed Warsame Max’ed (Faysal) ciddii dishay ilaa iyo hadda lama yaqaan, waxaa la sheegay in illinka madaxtooyada lagu dilay, cidna looma qaban, cidna laguma eedeyn, sababo dhawr ah ayaa la qiyaasiyaa sida la yiri in loo dilay; sida isagoo aan gabban jirin sida waajibka xil-dhibaanka laga rabo yahay, markii u dambaysay wuxuu la safnaa ra’iisal wazaaraha la riday Saacid, wuxuu u ololeeyay in mar haddii la riday ra’iisal-wazaarihii iyagana sidaaoo kale aan la soo xubnihii golihii waziirradiisa….in dilkiisa ay ka dambaysay arrimo siyaasadeed ciddii la doonaba ha lagu eedeeyee…

Waxaase yaab ah! Maxaa loo aamusanyahay xukuumaddii iyo barlamankii uu ka tirsanaa intaba waa iska aamuseen Yam! Saacid baaritaan ma samayn, madaxtooyada cidna uma xil saarin baaritaan,hay’adaha ammaanka waxba kama soo qaadin, ma moodaa in raali laga wada ahaa dilkiisa?! Si kastaba ha ahaatee ra’iisal-wazaare Cabdi-Wali waxaa looga baahanyahay inuu tix geliyo codsigii marxuumka ee ahaa in qofna aan laga soo celin golihii waziirrada ee ra’iisal wazaarihii hore….waa wax laga xummaado barlamaan ay aamusan yihiin xildhibaannadiisa iyaga oo arkaya xadgudubyo ka imaanaya golaha fulinta oo u baahan in qeynuunka lagu xakameeyo .

*SHaki “Lixdii tiir ee madax-weynaha baan ku shaqayniyaa!”…Halis!…Oo Dastuurkii aaway?!*

Dad ilaa dhowr ah oo yaqaan ra’iisal wazaaraha cusub Cabdi-Wali SHiikh Axmed, oo waliba qaarkood ay iskala soo shaqeeyeen mashruucii Suuq-geynta Xoolaha, oo ahaa mashruuc dalka ku cusub oo uu madax ka ahaa Cabdi-Wali SHiikh Axmed waxay isku raaceen inuu aad uga shakhsiyad duwanyahay SHir-doon, waxayna tilmaameen in xagga fikirka siyaasadda ay aad isugu dhowyihiin madax-weynaha Xasan SHiikh, taasina aysan waxba ka bedelayn marin habowga uu madax-weynaha ku sameeyay siyaasadda dalka, waxaana hadda taas u marqaati kacay khudbaddii uu ka jeediyay barlamanka, taasoo uu ku sheegay inuu dastuur ka dhiganayo 6da tiir ee uu madax-weyne Xasan SHiikh samaystay si uu dastuurka uga baxsado.

Cabdi-Wali intii uu ka hadlayay barlamanka marna ma oran dastuurkaan ku shaqayniyaa, laakiin sida muuqatay kalsoonida uu raadinayo oo dhan waxay ku qotontay inuu madax-weyne Xasan SHiikh ku qanciyo inuu isaga talada uga dambayn doono, ra’iisal-wazaaruhu fahamkiisu haddii uu sidaas yahay waa halis weyn oo soo korodhay, Halis!…haddiise uu hadalka ku sibqaday waxaan xasuusinaynaa waxa ummaddu ugu fadhiso inaysan ahayn inuu ku shaqeeyo 6da qodobka ee madax-weynuhu jeebkiisa kala soo baxay si dastuurka loogu bedelo, laakiin waa inuu ku shaqeeyaa dastuurka lagu heshiiyay.

Waxaana xasuusin lahaa ra’iisal-wazaaraha cusub xilka shalay loo ansaxiyay, haddii ay madax-weynaha yo waziiru-dowlihiisa Faarax Cabdulqaadir, barlamanka ka soo dhameeyeen in xilkaas loo ansaxiyo inaysan taas macnaheedu ahayn inuu iyaga xilka u hayo ee ummadda Soomaaliyeed ay leedahay xilka iyadana loo hayo, ra’iisal wazaaruhu waa inuu indhaha kala qaadaa habeen iyo maalinna ka fekeraa sidee ummadda dhibta looga saaraa, ammaankooda sidee loo sugaa, waa inuu dareemayaa xanuunka dadkiisu dareemayaan, waa inuu xalka ugu horeeyaa ka keenaa ciidammada xukuumadda uu madaxda u yahay ee ku duulay gobolada SHabeelaha-Hoose iyo SHabeelaha-DHexe..

Cabdi-Wali SHiikh Axmed, dad badan waxay rajo ka qabaan in wax un is-bedeli doonaan, isla markaasna uu gudan doono waajibaadka iyo xilkiisa ra’iisal-wazaarenimo,waxayna rajo weyn ka qabaan in arrimuhu ay wax weyn iska bedeli doonaan sida ay hadda tahay, si kastaba ha ahaatee, waxaa aad ugu rajo weynaha y in ra’iisal wazaaraha cusub uu xilkiisa gudan doono isagoo dastuurka raacaya loogu han- weynyahayna uga soo dhalaali doono xilka uu ummadda u qaaday.

W/Q: Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online